HOGGAAMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO MUQDISHO KULAN KULA QAATAY MADAX KA SOCDAY MIDOWGA YURUB

Muqdisho – 8, Agoosto, 2026: Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo safar shaqo ku jooga magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay Madaxa Hawlgalka Midowga Yurub ee Kobcinta Awoodda Soomaaliya (EUCAP Somalia) Mudane Kęstutis Lančinskas.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta Dowladda Koonfur Galbeed iyo Midowga Yurub, gaar ahaan arrimaha amniga, tayeynta hay’adaha amniga iyo taageerada dhinacyada horumarinta iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed.

Hoggaamiyaha ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub taageerada uu siiyo Soomaaliya, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga iyo wada-shaqeynta dhinacyada amniga, horumarinta iyo adeegyada bulshada.

Madaxa Hawlgalka EUCAP Somalia ayaa muujiyey sida ay Midowga Yurub uga go’an tahay in uu sii wado taageerada iyo iskaashiga uu la leeyahay hay’adaha Soomaaliyeed, si loo xoojiyo awoodda hay’adaha amniga iyo horumarinta xasilloonida dalka.

Kulanka ayaa Hogaamiyaha waxaa kala qeybgalay Wasiirka Amniga, Agaasimaha Guud Madaxtooyada iyo Saraakiil ka socdday Xafiiska Hoggaamiye

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Donate Now

Use the form below to get involved with the campaign.