HOGAAMIYAHA DOWLADDA KOONFUR GALBEED MUDANE SHEKH AADAN MADOOBE AYAA MAGAALADA MUQDISHO KU QAABILAY MADAXA XAFIISKA SIYAASADA QARAMADA MIDOOBAY EE SOOMAALIYA.

Muqdisho, 10, Agoosto, 2026: Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay Madaxa Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mudane Vikram Parekh iyo Christopher Laker Ku-xigeenka Wakiilka Deganaanshaha ee UNDP.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee deegaannada Koonfur Galbeed, xoojinta wada-shaqeynta Dowladda Koonfur Galbeed iyo Qaramada Midoobay arrimaha siyaasadda, amniga, dib-u-heshiisiinta iyo taageerada dhinacyada horumarinta iyo arrimaha bini’aadantinimada.

Hoggaamiyaha ayaa uga mahadceliyey Qaramada Midoobay taageerada ay si joogto ah u siiso Soomaaliya gaar ahaan bulshada ku nool deegaannada Koonfur Galbeed, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga iyo wada-shaqeynta labada dhinac.

Kulanka ayaa qeyb ka ahaa kulamada uu Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Magaalada Muqdisho kula yeelanayo madaxda iyo hay’adaha kala duwan si loo dardargeliyo wada-shaqeynta iyo horumarinta danaha shacabka Koonfur Galbeed.

kulanka Hogaamiye Shekh Aadan waxaa kala qeybgalay La Taliye Sare Arimaha Dib U-Heshiisinta, Agaasimaha Guud Madaxtooyada iyo Madax kale

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Donate Now

Use the form below to get involved with the campaign.