HOGGAAMIYAHA DOWLADDA KOONFUR GALBEED MUDANE SHEKH AADAN MADOOBE AYAA MAGAALADA BAYDHABO KU QAABILAY WAFDI KA SOCDAY HAY’ADDA PLAN INTERNATIONAL.

Baydhabo -4 Agoosto, 2026: Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ay hoggaaminaysay Reena Ghelani, agaasimaha guud ee hay’adda Plan International, oo maanta soo gaartay magaalada Baydhabo.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Dowladda Koonfur Galbeed iyo hay’adda Plan International, gaar ahaan dhinacyada horumarinta adeegyada bulshada, waxbarashada, ilaalinta carruurta, taageerada haweenka iyo arrimaha bani’aadannimada.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Shekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa uga mahadceliyey wafdiga booqashadooda, isagoo bogaadiyey doorka ay hay’adda Plan International ka qaadato taageerada bulshada iyo hirgelinta mashaariicda horumarineed ee ka socda deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed.

Reena Ghelani ayaa adkaysay sida ay Hay’adda Plan International uga go’an tahay sii wadidda wada-shaqeynta ay la leedahay Dowladda Koonfur Galbeed, si loo xoojiyo adeegyada aas-aasiga ah loona gaaro bulshooyin nugul, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo haweenka, carruurta iyo dhalinyarada.

Kulanka ayaa Hogaamiyaha waxaa kala qeybgalay wasiirada Wasaaradaha Qorshaynta, Gargaarka, Haweenka, Beeraha, Xanaanada Xoolaha iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Donate Now

Use the form below to get involved with the campaign.