
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Abdi Kaariye Qoor-qoor ayaa ka qeybgalay Shirka Wadatashiga Arimaha Doorashooyinka oo Maalmahan Baydhabo uga Socdo Xildhibaanada Dooran labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya. Shirka waxaa Diirada lagu saarayey Caqabadaha kuso Cusboonaaday Hanaanka Doorashooyinka Dalka.




